Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda waddanka Ukraine

0

KYIV (SMN) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay dagaalka Ukraine ka billaawday khamiisti shalay ahayd iney ku dhinteen 137 qof oo isugu jira ciidamo iyo dad rayad ah.

Volodymyr oo farriin muuqaal ah warbaahinta la wadaagay wuxuu sheegay Ruushka inuu doonayo iney siyaasad ahaan baab’iso Ukraine madaxweynaha dalkana ay khaarijiso.

Milateriga Ukraine ayaa sheegay in istaraatiijiyadda Ruushka ay tahay inay isku hareereeyaan caasimadda Kyiv, iyagoo ka sameynaya waddo dhulka ah oo ku teedsan xeebta Badda Madow.

Ciidamada Ukraine ayaa weerar rogaal celis ah ku qaaday ciidamada cirka ee Ruushka oo qabsaday garoon diyaaradeed oo shan iyo toban KM dhanka waqooyi kaga beegan Kyiv.

Shacabka ku nool caasimadda Kyiv ayaa xalay ku baryay dhufeysyada iyo dhismayasha hoostooda si ay uga gaashaantaan duqeymaha dhinaca cirka ee ay ciidamada Ruushka magaladaasi ka fulinayaan.

Kumannaan shacab ah ayaa u qaxay dalalka deriska la ah Ukraine iyaga oo ka cabsi qabo iney waxyello ka soo gaaro dagaalka dalkooda ka socda.

“Cadowgu bartilmaameedka koobaad waxa u ah aniga halka bartilmaameedka labadna uu u yahay qoyskeyga,” ayuu yiri.

Wuxuuna madaxweynuhu sheegay isaga iyo qoyskiisaba iney ku sugan yihiin caasimadda Kyiev inkasta oo faahfaahin intaa dheer uu ka bixinin.

Danjiraha Ukraine u fadhiya dalka UK Vadym Prystaiko waddamada reer galbeedka iyo gaashaan buurta NATO wuxuu ugu baaqay iney qaadaan tallaabbooyin wax ku ool ah oo looga horatagyo waxa uu ugu yeeray dagaalka gardarrada ah oo ay Moscow ku soo qaadday dalka Ukraine.

Danjiraha Ukraine u fadhida Washington DC Oksana Markarova waxay beesha caalamka ugu baaqday cunaqabateenno hor leh in la saaro Ruushka taagero militarina lala gaaro dalka Ukraine.

 

Wararku waxa ay sheegayaan in ciidamada gaashaaman ee Ruushka oo ka soo dhaqaaqay gobolka Crimea ay dagaalka sameeyeen horumar degdeg ah.

Milateriga Ukraine ayaa sheegay in tobaneeyo taangiyada Ruushka ah la burburiyay, sidoo kale diyaarado helikobter ah iyo diyaarado dagaalna ay soo rideen.

Kumannaan shacab ah oo ka cabsi qabo iney dagaalka dalkooda ka socda waxyeello ka soo gaarto ayaa u qaxay waddamada deriska la ah dalkaasi iyo deegaannada ka baxsan magaalooyinka dalkaasi.

Caasimadda Kyiv oo laga dhaqan geliyey bandoow habeenki ah xarumaha tareenka waxaa gabbaad ka dhigtay kumannaan shacab ah oo guriyahooda duqeymaha uga soo cararay.

Madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin oo difaacay dagaalka uu dalkiisa ku qaaday Ukraine ayaa sheegay iney u bannaaneen waddo kale uu ku difaaci karay dalka Ruushka oo aan ahayn inuu dagaal qaado.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in duqaymo dhanka cirka iyo gantaalaha ah lagu garaacay in ka badan siddeetan saldhig oo ay leeyihiin ciidamada Ukraine maalintii ugu horeysay ee dagaalka.

Moscow waxay sheegtay in bartilmaameedyada ay ka mid yihiin saldhigyada cirka, xarumaha taliska, saldhigyada raadaarka iyo nidaamka difaaca gantaalaha.

Ruushka wuxuu sheegay iney soo rideen afar diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Ukraine iyo afar diyaaradood oo hubaysnaa.

BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here