Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka u dhaxeeya Liyuu Booliska iyo Al-Shabaab

0

JIGJIGA (SMN) – Xoogagii Al-Shabaab ee gudaha u galay Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya  ayaa la sheegay in ciidamada Liyuu booliska ay ku hareereeyeen degaanka Huluul oo hoostaga degmada Hargeelle ee Gobolka afdheer.

Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas oo socday muddo ku dhow labo cisho.

Laamaha amniga ee Dowlada Deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in xoogagga taabacsan Al-Shabaab lagu hereereyay aagga Huluul lee degmada Hargeelle gaar ahaan Gol-dheer.

Sidoo kale laamaha ammaanka ayaa sheegay in ilaa gabal-dhicii shalay uu socday dagaalka, 16-gaadiid oo ay wateena ay ka carareen marka laga reebo toddoba gaari oo ay gubeen.

Ciidamada Liyu Booliska ayaa dhankooda sheeganaya inay guulo gaareen iyadoo dhanka Al-shabaab aysan jirin wax faah-faahin oo dagaalkan ku saabsan oo ka soo baxay.

Ilaa haatan ma jirto mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya oo si rasmi ah uga hadlay weerarka Al-shabaab ay ku ekeyeen dowlad degaanka Soomaalida.

Balse waxaa cambaareyay mas’uuliyiinta ururada iyo Xisbiyada Mucaaradka sida ONLF iyo Xisbiga Xorriyadda iyo Sinnaanta.

Dagaalkaan ayaa ku soo aadaya xilli uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya dhawaan ku dhawaaqay in Xukuumaddiisu muhiimad gaar ah siiseynso dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab, si loo furo waddooyinka muhiimka u ah gargaarka iyo isu-socodka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here