Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka guddiga doorashooyinka

0

MUQDISHO (SMN) – Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Ee Heer Federaal ayaa la filayaa inay maanta doortaan guddoomiye cusub oo beddala guddoonkii hore ee uu horkacayey Mudane Maxamed Xasan Cirro.

Qaban-qaabada doorashada ayaa haatan laga dareemayaa Hotel Decale oo ay ku sugan yihiin inta badan xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya inuu haatan socdo loolan xoogan oo u dhexeeyo dhinacyada ku wadajira guddiga gaar ahaan xubnajha daneynaya inay kusoo baxaan xilka guddoomiyaha.

Guddigan ayaa laf-dhabar u ah doorashada Golaha Shacabka ee socota, taas oo lagu heshiiyey in lagu soo gabagabeeyo mud 40 cisho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here