Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada hoggaanka guddiga S/land

0

Xubnaha loo soo xulay in ay noqdaan guddiga doorashada gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa lagu wadaa in ay maanta doortaan gudoomiyaha guddigaas iyo ku xigeenkiisaba.

Hasayeeshee 4 xubnood oo ka mid ah guddigaasi oo uu hore u soo magcaabay Cabdi Xaashi Cabdullaahi, gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, ayaa sheegay in aanay ka qayb gali doonin doorashdaasi illaa laga xallinayo khilaafka ka dhex taagan siyaasiyiinta gobollada waqooyi.

Waxaana sida halkaas ka cad weli taagan khilaafkii muddaba soo jiitamayey ee ka taagnaa doorashada kuraasta gobollada woqooyi oo ay ku kala aragti duwan yihiin xubnaha xukuumadda ku jira ee waqooyiga iyo siyaasiyiinta kale ee reer woqooyiga ah ee uu hor kacayo gudoomiye Cabdi Xaashi.

Siyaasiyiintaas ragga ugu culus waxaa ka mid ah Ridwaan Xirsi Maxamed, oo hore u soo noqday Ra’isal wasaare ku xigeen haatanna u tartamaya xilka madaxtinimada, waxa uu xafiiska ra’iisul wasaaraha kuu eedeeyay inuu hawsha doorashada gobollada woqooyi ku hayo faro gelin toos ah oo uu ka baxay dhexdhexaadnimadii looga fadhiyay.

Hasayeeshee waxaa arrintaas gaashaanka u daruuray wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, kaas oo sheegay in aanay doodda dhinacaas haba yaraatee lahayn macne sharci ah oo loo qaateen ah oo aan garawshiiyo dambe laheyn haddii doorashadu maanta dhacayso.

Dhawaan ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu la kulmay xubnaha guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi isla markaana sheegay in doorashadii guddoomiyenimada guddiga ee hore loo dhisay la baab’iyay xilli xafiiskiisa uu shaaciyay in doorashada guddoonka guddiga maamulaya doorashada gobollada waqooyi ee Somaliland ay maanta dhaceyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here