Wararkii ugu dambeeyey ee howlgallada ka socdo gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) – Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya maleeshiyaadka deegaanka ee Macawiisleyda ayaa weli howlgallo culus ka wada gobolka Hiiraan.

Korneel Cali Dhuux Cabdi (Mahad Alle) oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee howlgalka ka wada Hiiraan ayaa Shabelle faah faahin ka siiyey dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan halkaasi, wuxuuna tilmaamay inay guullo waa weyn ka gaareen howlgallada socdo.

Cali Dhuux ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay duulaan ku yihiin meel kasta oo ay joogaan Al-Shabaab, si guud ahaan looga saaro gobolkaasi.

“Meel kasta oo Al-Shabaab lagu sheego duulaan ayaan ku nahay degmooyinka
Maxaas, Mataban illaaa Halgan waan isku furnay” ayuu yiri Cali Dhuux.

Sidoo kale wuxuu ka digay khatar uu sheegay inay weli ka jirto waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Beledweyne iyo Buuloburde ee gobolka Hiiraan oo shalay la furay, isaga oo tilmaamay inay Al-Shabaab ku aaseen qaraxyo miinooyiin ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Waddada Beledweyne illaa Buuloburde miinooyin ayey Al-Shabaab ku aaseen khatar ayaana ka dhalan karta” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here