Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka BF iyo ammaanka oo la adkeeyey

0

Ciidamo dheeraad ah ayaa la soo dhigay dhamaanba jidadka soo gala xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo maanta oo Isniin ah lagu waddo in xildhibaannada Baarlamaanka fadhi ku yeeshaan xaruntooda Villa Hargeysa.

Kulanka maanta oo xalay lagu wargaliyay mudanayaasha Baarlamaanka waxaana la sheegay in ajandaha kulanka uu noqonayo mooshin la xiriira doorashada Soomaaliya oo lagu duuldareystay is afgarad laga gaaro.

Sidoo kale waxaa soo baxaya shaki la xiriira in marka danbe guddoonka Baarlamaanku cod galiyo mooshinka halkaana uu ka soo baxo muddo korarsi muddo dheerba la hadal hayay.

Dhawaan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in gabi ahaanba fashil ku soo idlaadeen kulamo xiriir ah oo madaxda DF iyo kuwa dowlad gobolleedyada ka yeesheen arrimaha doorashooyinka, waxaana ay ku eedeysay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland in ay mas’uul ka yihiin  wada hadallada fashilmay.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa baaqday kulamo uu yeelan lahaa Baarlamaanka kaasoo xildhibaannada mucaaradku ku sheegeen in la qorsheynayay muddo korarsi labo sano ah oo la horkeeno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here