Wararkii ugu dambeeyey ee ku dhawaaqista golaha wasiirada cusub

0

MUQDISHO (SMN) – Wararka laga helayo xarunta Vill Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta dhaq-dhaqaaqyadii ugu dambeeyey ee ku aadan ku dhawaaqista golaha wasiirada laga dareemayo xafiiska ra’iisul wasaaraha, kadib dib u dhac ku yimid maalintii shalay aheyd.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo xaqiijiyey Xamza Cabdi Barre uu haatan soo gabagabeeyey wadatashiyadii uu waday maalmihii la soo dhaafay, kuwaas oo ku aadanaa dhismaha xukuumaddiisa cusub, si uu u horgeeyo xildhibaannada Golaha Shacbka.

Xamza ayaa madaxweynaha, siyaasiiyinta iyo qaybaha bulshada la sameeyey la tashiyo la xiriira xukuumadda dhalan doonto, oo uu horey u ballan qaaday inay tayo lahaan doonto.

Sidoo kale wuxuu la shiray qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo uu ka hadlay inay meel mariyaan golaha wasiirada ee soo dhisi doonaan, si ay u gutaan waajibada shaqo ee horyaall xukuumadda cusub ee federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa waqti badan ay ku qaadatay soo dhisida xukuumadda cusub, waxaana dhawaan xubnaha baarlamaanka ay ugu dareen 10 cisho oo hadda gabaabsi ah.

Liiska golaha wasiirada ayaa aad loo sugayaa, waxaana xafiiska ra’iisul wasaaraha haatan ka socota munaasabadda ku dhawaaqista golaha wasiirada, ayada oo looga yeeray warbaahinta.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May ee lagu qabtay teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, taas oo uu ku soo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad xilkaan loo doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here