Wararkii ugu dambeeyey ee munaasabadda xiritaanka shirka doorashooyinka

0

Waxaa hadda socota xafladda xiritaanka shirka wada tashiga qaran ee doorashooyinka dalka oo magaalada Muqdisho uga socday maalmihii la soo dhaafay, Ra’isuul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble, madaxda dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Xafladda waxaa lagu shaacinayaa heshiiska doorashada dalka, iyadaoo ay sidoo kale ka qeyb-galayaan xubnaha Midowga Musharraxiinta Mucaaradka iyo sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Heshiiskan ayaa saldhig u noqon doono qabashada doorashada Soomaaliya oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo sidoo kale mida madaxweynaha intaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here