Wararkii ugu dambeeyey ee natiijada doorashooyinka Somaliland

0

Natiijada golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee gobolka Maroodi-jeex iyo degmada Hargeysa oo maalmihii ugu dambeeyay aad loo sugayay ayaa goordhaweyd lagu dhawaaqay.

Golaha Wakiillada gobolka Maroodi-jeex oo ka kooban 20 xubnood ayaa loo kala helay sidan.

Kulmiye: 8
Waddani: 7
Ucid: 5

Golaha Wakiillada Maroodi-jeex waxaa ku jira Barkhad Batuun oo ahaa musharaxii ugu hadal haynta badnaa doorashada Somaliland, wuxuuna helay codad ka badan 20 kun.

Xisbiga mucaaradka Waddani ayaa Golaha Wakiillada Somaliland oo ka kooban 82 xubnood ka helay 31 kursi, halka Kulmiye helay 30 kursi, Ucid-na wuxuu helay 21 kursi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here