Wararkii ugu dambeeyey ee Tigray iyo go’aan kasoo baxay mucaaradka

0

Hoggaamiyayaasha mucaaradka Tigray ayaa wacad ku maray inay “cadowga” ka saari doonaan gobolka, taasi oo muujineysa in dagaalka uu ii socon doono inkasta oo dowladda federaalka ay ku dhowaaqday xabad-joojin.

Ciidamada Difaaca Tigray (TDF) ayaa shalay soo galay magaalada caasimadda ah ee Mekele, ayada oo ciidamadii federaalka iyo xubnaha dowladdii ku-meel gaarka aheyd ee uu magacaabay Abiy ay ka baxeen.

Dowladda Abiy ayaa kadib habeenkii Isniinta ku dhowaaqday “xabad-joojin hal dhinac ah,” inkasta oo aysan jirin jawaab rasmi ah oo ka timid TDF.
War-saxaafadeed kasoo baxay dowladdii ka jirtay Tigray kahor dagaalka, ayaa lagu ammaanay soo gelitaanka TDF, waxayna sheegtay inay si buuxda gacanta ugu hayso Mekele.

“Dowladda Tigray waxay ugu baaqeysaa dadkeena iyo ciidamada Tigray inay xoojiyaan halgankooda illaa ay cadowgeena ay si buuxda uga tagaan Tigray.”
Inkasta oo TDF aysan haysan magaalooyin waa weyn muddo bilo ah, haddana hoggaankeeda waxay ku cel-celinayeen inay isku abaabulayaan deegaanada baadiyaha ah.

Toddobaadkii tegay, TDF waxay billaabeen howlgal weyn oo kusoo aaday doorashooyinka aadka loo sugayey ee Ethiopia ee ka dhacay dalka intiisa badan, marka laga reebo Tigray.

Xabad-joojinta ay habeenkii Isniinta ku dhowaaqday dowladda federaalka ayey ku sheegtay inay socon doonto illaa dhammaadka “xilliga beerashada”, loogana dan leeyahay in lagu fududeeyo wax soo saarka beeraha iyo qeybinta gargaarka, looguna ogolaanayo dagaal-yahanada mucaaradka “inay kusoo laabtaan waddada nabadda”.

Dhanka kale, warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee QM ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkii dhowaanahan ka dhacay gobolka Tigray ee Itoobiya ay yihiin “kuwa aad looga walaaco.”

Qoraalka ayaa lagu sheegay in dhacdooyinkani ay caddeynayaan in uusan jirin xal militari oo dhibaatooyinka lagu soo afjari karo.

“Waxa aan hadda la hadlay ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxa aanna ku raja weynahay in la joojiyo colaadda. Waa lagama maarmaan in la badbaadiyo dadka rayidka ah, dadka baahanna la gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo, islamarkaana la helo xal siyaasadeed,” ayuu yiri Xogahayaha Guud ee QM Antonio Gutterres.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here