Wararkii ugu dambeeyey ee tirinta codadka doorashada Puntland

0

GAROOWE (SMN) – Guddiga doorashooyinka ee Puntland ayaa weli wada tirinta codadka doorashada golaha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn ee maamulkaasi.

Guddiga ayaa haatan sugaya qaar ka mid ah sanaadiiqda doorashad , hase yeeshee guddoomiyaha degmada Ufeyn ayaa ku dhowaaqay natiijada horudhaca ah oo kasoo baxday 11 goobood oo codadkooda la tiriyay iyo sida ay ururada siyaasadda u kala heleen.

Ururka Run iyo Caddaalad : 47 cod

Ururka Shaqaalaha xoogsatada ah : 13 cod

Ururka Dhallinyarada : 11 cod

Ururka Caddaalad iyo Sinnaan : 1248 cod

Ururka Kaah : 1687

Ururka Mideeye : 1300 cod

Ururka Mustaqbal : 192 cod

Horseed : 180 cod

Ururka Ifiye : 8 cod

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here