Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda cakiran ee Itoobiya

0

ADDIS ABABA (SMN) – Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in isbahaysiga ka dhanka ah ee looga dhawaaqay caasimadda Maraykanka aanu haysan taageerada shacabka, isla markaana uu yahay mid siyaasad ahaan liita.

Sagaal urur ayaa Washington uga dhawaaqay olole xukunka looga tuurayo Ra’iisal wasaare Abiy Axmed xoog iyo wahadalba kii ay noqoto.

Dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo dagaalyahanada TPLF ayaa ka socdaa deegaanno ka tirsan gobollada Amxaarada iyo Canfarta.

Shaley ayay aheyd markii taliyaha militariga Itoobiya uu ugu baaqay askartii hore uga tirsanaan jirtay militariga inay dib ugu soo biiraan ciidanka, si ay ula dagaalamaan jabhadda TPLF.

Codsigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xoogaga fallaagada – ee ay hormuud ka tahay TPLF ay u dhaqaaqeen dhanka caasimadda Addis Ababa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here