Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda kacsan ee magaalada Kabul

0

Xaalada Magaalada Kabul ee Caasimada dalka Afghanistaan ayaa kacsan iyadoo shacabka magaladaas qaybo kamid ah ay ka barakacayaan.

Shir deg deg oo ka qabsoomay madaxtooyada Kabul ayaa waxaa lagu gaaray go’aan ah in madaxwayne Ashraf Gani uu xilka si nabad galyo ah ku wareejiyo.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa Xilka ku wareejin doono Ali Ahmed Celali oo kamid ah saraakiishii ugu sareeysay Talibaan Waxaana uu sidoo kale Kamid ahaa ciidamadii la dagaalamay Midowgii Soofiyeed.

Sidoo kale Mareykanka ayaa ka shaqeenaya sidii nabad galyo loo siin lahaa Masuuliyiinta dalkaas sida Madaxwaynaha.

Ruushka aya wadamada Caalamka ugu baaqay in kulan deg deg oo golaha amaanka qaramada midoobe shir gudoomiyaan laga yeesho Xaalada Kabul.

Raisul Wasaaraha UK ayaa Baarlamaanka UK isugu wacay Todobaadka nasoo aadan si ay uga hadlaan xaalada Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here