Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Beledweyne + Sawirro

0

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Maamulkaas ayaa maanta kormeer ku soo maray qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Beladweyne.

Mas’uuliyiinta ayaa u kuurgeliyay xaaladda amni ee magaalada oo ay ku soo fool leedahay doorashada Xildhibaannada Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay inuu amniga magaalada Beladweyne uu wanaagsan yahay, isla markaana laamaha amniga wax badan ka qabteen.

Madaxweyne ku-xigenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar dabageed ayaa faray saraakiisha ciidamada in ay sii laba jibaaraan howlgallada amniga lagu sugayo.

Magaalada Beladweyne ayaa laga dareemayaa diyaar garowga doorashada kuraasta  Baarlamaanka Soomaaliya oo halkaas lagu wado in lagu qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here