Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Dhuusamareeb

0

DHUUSAAREEB (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah laga dareemayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolkaasi, kadib markii ay shalay ku dagaalameen ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlu Sunna.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa sheegay in haatan magaalada ay xasilan tahay, isla-markaana ay ka saareen ciidamada Ahlu Sunna.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in howlgalka uu kusii fiday nawaaxiga Dhuusamareeb iyo deegaanada hoos yimaada.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Ahlu Sunna oo ku aadan warka kasoo yeeray saraakiisha ciidamada huwanta ee ku sugan halkaasi.

Si kastaba, shacabkii ka barakacay magaalada ayaa bilaabay inay guryahoodii dib ugu soo laabtaan, maadaama lagu guuleystay in laga saaro xoogagii Ahlu Sunna Waljamaaca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here