Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa weli ka taagan xiisad xoogan oo u dhexeyso ciidamo taabacsan mucaaradka iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada caasimadda.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada taageersan mucaaradka ay kasoo aag-bedasheen wadada Cabdiqaasim, isla-markaana ay fariisimo cusub ka sameysteen xaafadda Siigaale ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu barakac ballaaran ka billowday xaafadaha qaar ee degmooyinka Howlwadaag iyo Hodan ee gobolka Banaadir, waxaana ay dadku billaabeen inay u guuraan xaafada kale ee ka caagan dhaq-dhaqaaqyada.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana markasta dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka qarxo caasimadda, walow haatan ay socdaan dadaallo nabadeed oo lagu qaboojinayo xiisadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here