Wararkii ugu dambeeyey ee xiisada ka taagan magaalada Boosaaso

0

BOOSAASO (SMN) – Xiisad kacsanaan ah oo u dhexeyso madaxda sare ee Puntland iyo saraakiisha ciidamada PSF-ta ayaa weli ka taagan gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo haatan laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo.

Wararka ayaa sheegaya in magaalada ay xalay gudaha u galeen ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland oo ka yimid dhinaca magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale haatan cabsi ka muujinayo inuu dagaal ka dhaco halkaas, maadaama labada dhinac ay abaabul xoogan ka wadaan Boosaaso.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay xilka qaadis uu Saciid Deni ku sameeyey taliyaha ciidamada PSF-ta, kaas oo ka horyimid xilka qaadista, kana biyo diiday inuu xilka wareejiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here