Wararkii ugu dambeeyey howl-gallada ka socda gobolka Mudug

0

Wararka laga helayo gobolka Mudug ayaa sheegaya in weli ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan deegaano dhaca koonfurta gobolkaasi.

Howl-gallan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah ciidamada Kumaandooska Danab oo haatan miino baaris ka wada deegaanka Camaara oo ay shalay la wareegeen ciidanka dowladda.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay deegaankaas ka nadiifinayaan miinooyinka ay sheegeen inay ku aaseen dagaalyahanada Al-Shabaab oo muddo ku sugnaa halkaasi

Xaaladda ayaa maanta deggan, waxaana ciidamadu ay haatan ku sugan yihiin fariisimo cusub oo ay ka sameysteen duleedka deegaanka Camaara ee koonfurta gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here