Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha ka dhashay dagaalkii duleedka Dhuusamareeb

0

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada dawladda iyo 10 ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa lagu dilay weerar saaka ka dhacay bar amni oo laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha Dhusamareeb oo u dhaxaysa magaalada Dhuusamareenb iyo degaanka Ceel Dheere ee gobolka Galgaduud.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay saaka 7-dii subaxnimo soo weerareen goobtaas oo ay ciidanku ku sugnaayeen. Dagaal socday ilaa 1 saac ayaa la sheegay inuu goobtaas ka dhacay.

Ciidanka ayaa dib u riixay Al-Shabaab, waxaana la sheegayaa inay haatan deggan tahay xaaaddu, sida ay dadka degaanku sheegeen kuwaasi oo codsaday inaan magacooda la sheegin sababo dhinaca amniga ah.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay weerar kedis ah ku qaadeen ciidaanka oo ay dileen 8 askari. Warbaahinta dawladda Soomaaliya oo soo xignaysa saraakiisha dawladdyna waxay sheegtay in xoogaga Al-Shabaab ee goobta lagu dilay ay gaarayaan 15.

Waa wareerkii labaad oo toddobaad gudihiisa ay Al-Shabaab ka fuliyaan deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmuudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here