Wararkii ugu dambeeyey markab weyn oo ku xirtay dekedda Boosaaso + Sawirro

0

BOOSAASO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay markab weyn oo shidaal sida uu ku xirtay dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Markabka ayaa waxaa iska leh shirkad lagu magacaabo Admare Company, waxaana uu u raran yahay ganacsato reer Puntland ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dekedda ay buux dhaafiyeen gaadiidka shidaalka oo isla markii bilaabay inay shidaalka u daabulaan magaalooyinka kale.

Dekedda magaalada Boosaaso ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ahayd mid mashquul ah, waxaana ka dhoofayey xoolo loo iibgaynayay wadamada Carabta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here