Wararkii ugu dambeeyey qaraxyada ka dhacay Muqdisho + khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Weerar loo adeegsaday laba gaari oo walxaha qarxa laga buuxiyay ayaa lagu beegsaday wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, oo xarunteedu ay ku taallo inta u dhaxeysa isgoysyada Soobe iyo Banaadir.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qaraxyadu ay ahaayeen laba qarax oo ay u dhaxaysay daqiiqado.

Qaraxyada ayaa gaystay dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka ku dhintay ka mid noqday Wariye Maxamed Ciise Koonaa oo ka mid ahaa wariyeyaasha magaalada Muqdisho, sidoo kalena kasoo shaqeeyan warbaahinta Shabelle & sidoo kale xarumo kale oo warbaahineed.

Sidoo kale dadka ku dhaawacmay waxaa ka mid ah Mahad Korow, Taliyaha degmada Waabari Ismaaciil, kuwaas oo la geeyey isbitaalka Digfer ee magaalada Muqdisho.

Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana goobaha ay wax ka dhaceen ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya oo gebi ahaan dhaq-dhaqaaqyo agagaarka isgoyska Zoobe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here