Wararkii ugu dambeeyey safarka madaxweyne Xasan ee Ereteriya

0

ASMARA (SMN) – Madaxwqeynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho qaadan doonto 4 cisho uga bilaabatay Ereteriya ayaa gelinkii dambe ee shalay si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Asmara ee dalkaasi.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa in maanta uu kulan la yeesho dhiggiisa Asaias Afwerki, iyaga oo ka wada-hadli doono xiriirka labada dal iyo arrimo la xiriira gobolka.

Sidoo kale madaxweynayaasha ayaa kulankooda diiradda ku saari doono ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka u jooga wadanka Ereteriya, waana ujeedada ugu weyn ee uu booqashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud haatan ku joogo gudaha dalkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safaro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here