Wararkii ugu dambeeyey shirka Golaha Wadatashiga oo galay maalintii labaad

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa weli ka socdo shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo galay maalintii labaad.

Shirkan ayaa waxaa guddoominayao madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayada oo ay sidoo kale  ka qayb-galayaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa shirka kaga qeyb-galayo aaladda fogaan aragga, isaga oo ku sugan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa ka wada-hadlaya mad-madowga siyaasadeed ee soo kala dhex-galay, ammaanka, abaaraha iyo dhaqaalaha.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo gelinka dambe ee maanta, ayada oo laga soo saari doono war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ku heshiiyaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Si kastaba, shirkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo todobaadkii hore uu fashil ku soo dhammaaday shir u dhexeeyey wasaaradaha maaliyadda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee dalka, kaas oo looga hadlayey qaybsiga deeqaha laga helo dalalka caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here