Wararkii ugu dambeeyey shirka Muqdisho uga farmayo DF iyo dowlad goboleedyada

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu wadaa in todobaadkan lagu qabto shirka golaha wadatashiga qaran ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa furmi doono ka hor Arbacda soo socota, gaar ahaan inta uusan Madaxweyne Xasan Sheekh u bixin caleema saarka madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhow dhow Villa Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan diiradda lagu saarayo mad-madowga soo kala dhex-galay labada dhinac, siiba arrimaha maaliyada, abaaraha iyo dagaalka Al-Shabaab.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo qayb ka ah shirka ayaa maanta soo gaaray magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka, masuuliyiin ka socotay xafiisyada madaxweynaha iyo kan Ra’iisal wasaaraha ayaa ku soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here