Wararkii ugu dambeeyey weerarka caawa lagu qaaday Hoteelka Villa Rosa

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku billowday qaraxyo oo caawa fiidki hore lagu qaaday dhismaha Hoteelka Villa Rosa oo ku yaalla agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarka ayaa weli socdo, waxaana rasaas teel teel ah laga maqlayaa gudaha Hoteelkan oo ay daganaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, waxaana jiro dad badan oo lasoo badbaadiyey, kuwaaas oo uu ka mid yahay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, Axmed Doodishe oo la sheegay inuu dhaawac soo gaaray, iyada oo la la’yahay rag kale.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo ka hadlay weerarkan ayaa yiri “Caawa fiidkii ayaa koox Khawaarij ah waxay weerareen Hoteel Ganacsi oo ku yaalla degmada Boondheere. Ciidamada Amniga ayaa wada hawlgal lagu soo afjarayo weerarka Khawaarijta. Waxaa goobta laga badbaadiyay dad isugu jira Shacab iyo masuuliyiin. Wixii faahfaahin dib ayaan idin kala wadaagaynaa.”

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo si weyn looga dareemay guud ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u cakiran, waxaana haatan soconaya howlgal ay wadaan ciidamada amniga Soomaaliya, kaas oo lagu doonayo in lagu soo afjaro weerarkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here