Wararkii ugu dambeeyey weerarka Hoteel Xayaat iyo Al-Shabaab oo sheegatay

0

MUQDISHO (SMN) – Weerar qaraxyo ku billowday ayaa caawa lagu qaaday hoteelka Xayaat oo ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegay laba baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu beegsaday hoteelka Xayaat.

Qaraxa koowaad ayaa lagu dhuftay Hoteelka, waxaana daqiiqado ka dib la qarxiyay gaarigii labaad.

Sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka dhaawaca ah ka mid ah taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir Muxudiin Warbac Shadoor, kaas oo la sheegay in dhaawac fudud uu ka soo gaaray lug.

Ciidanka Booliska ee Haramcad ayaa gudaha u galay Hoteelka hadda, kuwaas oo la dagaalamaya ragga hubeysan ee gudaha u galay hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkan, waxayna intaas ku dartay in dagaalyahanadeeda ay gudaha u galeen hoteelka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here