Wararkii ugu dambeeyey weerarka ka socdo magaalada Kismaayo

0

KISMAAYO (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ku billowday qarax ismiidaamin oo barqanimadii maanta lagu qaaday hoteelka Tawakal oo ku yaallo magaalada Kismaayo.

Qaraxa ayaa waxaa xigay weerar toos ah oo xubno ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha ugu galeen hoteelkaas oo ku yaalla dhanka waddada dheer ee aada dekedda Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu dhacayey qaraxa hoteelka uu ka socday shir looga hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidoo kale Siminaar.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, maadaama weli rasaas xoogan laga maqlayo halkaasi, taas oo u dhexeyso ciidamada amniga iyo ragga hubeysan.

Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here