Wararkii ugu dambeeyey xaaladda caafimaad ee Bilaal Bulshaawi

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa haatan soo hagaageyso xaaladda caafimaad ee Bilaal Bulshaawi oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee caanka ka ah baraha bulshada ee Internet-ka.

Bulshaawi oo loo yaqaano ‘Madaxweynaha Tik Tok’ ayaa xalay kooxo hubeysan waxay ku dhaawaceen agagaarka isgoyska Banaadir, waxayna rasaasta ka haleeshay qaybaha sare.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan xaaladdiisu ay wanaagsan tahay Bilaal Bulshaawi, waxaana sidoo kale lala dhaawacay wiil kale oo la socday xilliga la weerarayey.

“Alxamdulilah walaaleheey waa nabad qabaa wax weyna ima gaarin alx calaa kuli xaal,” ayuu ku yiri Bilaal qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Falka lagu dhaawacay Bilaal Bulshaawi ayaa qayb ka noqonaya dhacdooyinka ka dhacaya magaalada Muqdisho oo haatan wajaheyso xaalad amni, sida dilal & weeraro qaraxyo ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here