Wararkii ugu dambeeyey xaaladda magaalada Jowhar oo go’doon gashay

0

Magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hishabelle ayaa ku jirta go’doon, kaddib markii toolooyin dhowr ah oo hoos yimaada ay harqiyeen daadadkii ka dhashay fatahaaddii wabiga Shabelle.

Wasiirka gargaarka iyo maameynta musiibooyibka ee maamulka Hirshabeelle Cabdimahad Cabullaahi Qoorgaab ayaa idaacadda VOA u sheegay in daadadku ay gooyeen waddooyinka laba dhinac ee magaalada, sidoo kalena ay kala xirmay magaalada iyo garoonka diyaarahada, iyadoo ay ku barakaceen in ka badan todoba kun oo qoys.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay hay’adaha samafalka inay gurmad deg-deg ah ay lasoo gaaraan dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Deegaanada HirShabelle waxaa inta badan kusoo laa-laabta fatahaadda wabiga Shabelle, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaray dadka shacabka ee ku dhaqan labad gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here