Wararkii ugu dambeeyey xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somaliland

0

HARGEYSA (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kaluumeysiga Somaliland, Saciid Sulub oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaasi, kadib markiii uu sii xoogeystay khilaafka u dhexeeyo xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda.

Saciid Sulub ayaa shaaca ka qaaday in aan marnaba dib looga laaban doonin, islamarkaana ay sharci tahay muddo kordhintii loo sameeyey madaxweyne Muuse Biixi, taas oo ay ka horyimaadeen xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID oo ka dhisan Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in muddo kordhintan ay xalaal tahay, islamarkaana la mid tahay middii loo sameeyey madaxweynayaashii hore sida Cigaal Riyaale iyo Siilaanyo.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray guud ahaan shacabka, isaga oo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida ay caanka ku tahay Somaliland.

Somaliland ayaa haatan ku jirto marxalad aad u adag iyo jawhareer xoogan oo ka dhashay doorashooyinka, waxaana xaaladdu ay sii fogaatay markii ay xubnaha mucaaradka ku dhawaaqeen in aysan madaxweyne u aqoonsaneyn Muuse Bixii Cabdi oo maalmo kahor muddo kordhin laba sano ah ay u sameeyeen xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here