Warbixin: Kiisaska cudurka Covid-19 oo laga waayey Soomaaliya

0

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa warbixintii u dambaysay oo ay soo saarto ku sheegtay in xanuunka COVID-19 laga waayay dhammaan dadkii laga baaray 24-saac ee u dambaysay.

Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay, in 24-saac ee u dambaysay xanuunka laga baaray 770 ruux guud ahaan waddanka, islamarkaana dhammaantood laga waayay.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa tilmaantay in 21 bukaan 24-saac ee u dambaysay ka bogsadeen xanuunka COVID-19.

Tirada guud ee cudurka laga helay tan iyo markii uu dalka ka dillaacay ayaa gaaraysa 14,779 bukaan sida laga soo xigtay warbixinta wasaaradda Caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here