Wareysi: Muxuu ra’iisul wasaaraha dalka Norway ka yiri weerarkii hoteel Xayaat?

0
Norway's Prime Minister Jonas Gahr Stoere holds a news conference on the situation in Ukraine, in Oslo, Norway February 24, 2022. NTB/Heiko Jungevia REUTERS

OSLO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha dalka Norway, Jonas Gahr Stoere oo wareysi gaar ah siiyey Telefishinka Shabelle ayaa ka hadlay weerarkii ay dhawaan Al-Shabaab ku qaadeen hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha Norway ayaa cambaareeyey weerarkaasi, wuxuuna sheegay in dowladdiisu ay ka xun tahay dhacdadaasi.

“Weerarka argagixiso ee ka dhacay magaalada Muqdisho wuxuu nagu yeeshay saameyn xoogleh. Hadda waxaan ogaanay in dad badan oo ka mid ah Soomaalida reer Norway uu weerarkan saameeyey, murugna ku reebay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Jonas Gahr Stoere.

Sidoo kale wuxuu tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaas, isaga oo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

Weerarkan oo ay sheegatay Al-Shabaab ayaa noqday kii ugu waqtiga dheeraa ee ka dhaca gudaha magaalada Muqdisho, wuxuuna qaatay wax ka badan 24 saac oo xiriir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here