Wariye Cali Muuse Cabdi oo maanta ku geeriyooday dalka Talyaaniga

0

ROME (SMN) – Waxaa maanta dlaka Talyaaniga ku geeriyooday Allaha u naxariistee Wariye Cali Muuse Cabdi oo ahaa rugcadaa saxaafadeed oo muddo fog ka soo shaqeeyey warbaahinta.

Geerida ku timid marxuumka ayaa waxaa xaqiijiyey qaar ka mid ah ehelladiisa oo la hadlay waraabinta, waxayna sheegeen inuu ku soo booday xanuun deg-deg ah.

Wariye Maxamed Amiin Sheekh Cadow oo saaxiibo dhow ay ahaayeen Marxuumka ayaa ka sheekeeyey taariikh nololeedkiisa, wuxuuna sheegay inuu ka naxay geerida ku timid.

“Muddo bil ah ayaan is-moogeen AUN Cali Muuse Cabdi markaan maqlay geeridiisa waan ka naxay” ayuu yiri Wariye Maxamed Amiin Sheekh Cadow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here