Wariye Coldoon oo maanta laga sii daayay xabsiga magaalada Hargeysa

0

HARGEYSA (SMN) – Waxaa maanta xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland laga sii daayay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo laba sano ku xirnaa magaaladaasi.

Sii deynta Wariye Coldoon ayaa timid kadib markii uu dhammeystay xukun labo sano ah oo ay horay ugu ridday maxkamadda Racfaanka ee magaalada Hargeysa.

Coldoon ayaa xilligaas lagu soo jeediyay eedeymo culus sida faafinta warar been abuur ah oo ka dhan ah Dugsiga Abaarso, aflagaadeyn siyaasiyiinta iyo golaha sharci dejinta ee Somaliland.

Wariyahan oo caan ku ah arrimaha samafalka iyo u gargaaridda dadka tabaaleysan ayaa dhowr jeer oo hore lagu xiray Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here