Wariye ka tirsan Kalsan TV oo lagu xiray degmada Kaxda

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Booliska ee Degmada Kaxda ayaa xiray Wariye Cabdi Xaafid Nuur oo ka mid ah shaqaalaha TV-ga Kalsan.

Wariye Cabdi Xaafid ayaa la xiray xili uu soo tebinayay dibadbax looga soo horjeedo Maamulka Degmada Kaxda.

Maamulka Kalsan TV ayaa sheegay in Booliska Degmada ay si gaar ah u beegsadeen wariye Cabdi Xaafid.

Waxaa ay tilmaameen in halka uu ka dhacayay banaanbaxa ay sidoo kale ku sugnaayeen wariyeyaal kale oo ka socday xarumaha warbaahinada madaxabanaan ee ka howlgalla Muqdisho.

Xiriiro kala duwan aynu la sameynay Maamulka Degmada Kaxda ayaa innoo suuro gelin in aad ku haleelno qadka taleefka in aan wax uga weydiino xariga Wariyaha.

Dhinaca kale, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa si kulul u cambaareeyay xariga wariyaha.

Bayaan ka soo baxay Xoghayaha Ururka NUSOJ, Cumar Faaruuq Cismaan ayaa lagu dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan xorriyadiisa loo siiyo wariye Cabdi Xaafid.

Ilaa hadda majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Booliska Degmada Kaxda oo ku aadan xariga wariyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here