Warta Nabadda & Howlwadaag oo ku baratamay tartanka Shabelle

0

Degmooyinka Warta Nabadda iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir ayaa xalay ku baratamay tartan aqooneedka faca weyn ee Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Labada degmo oo ku wada jira group-ka C ayaa waxa ay soo bandhigeen tartan aad u xiiso badan, hayeeshee waxa ay guushu raacday tartamayaasha degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Howlwadaag ayaa heshay dhibco gaaraya 8, halka Warta Nabadda ay keensatay 12 buundo, sida uu ku dhowaaqay natiijada Cali Cumar Cabdalla oo ka mid ah guddiga tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle.

Sanadkan waxaa tartan aqooneedka Shabelle taaba-gelineysa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ka mid ah shirkadaha waa weyn ee ka howl-gala dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here