Wasaaradda arrimaha gudaha XFS oo ka hadashay Nabadoonadii lagu dilay Hiiraan

0

MUQDISHO (SMN) – Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay qarax lagu dilay Nabadoono caan ahaa oo xalay ka dhacay gobolka Hiiraan.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in qaraxaasi lagu dilay illaa saddex Nabadoon, isla-markaana lagu dhaawacay mid kale.

Wasaaradda ayaa shaaca ka qaaday in shirqool loo dhigay Nabadoonada, xilli ay kusii jeedeen deegaannada ay maamulaan Al-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

Falkan oo ahaa shirqool iyo dhagar ay kooxda aragagixasadu u dhigeen odoyaasha dhaqanka oo u socday in ay soo daayaan shacab beesha ah oo u afduubnaa kooxda Al-shabaab ayaa loo galiyey miino wadadii ay ku safrayeen deeegaanka Aaqobeey oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Buulaburde ee galbeedka Hiiraan, Nabaddoonnada waxaa ay horay u diideen in ay geeyaan lacago iyo dhalinyaro ay Al-shabaab askareeyaan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here