Wasaaradda caafimaadka oo warbixin cusub kasoo saaraty Covid-19

0

MUQDISHO (SMN) – Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta labadii todobaad ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 276 xaalado cusub oo COVID-19 ah labadii todobaad ee la soo dhaafay, 30 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 947 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (135), Puntland (91), Galmudug (22), gobalka Banaadir (16), Jubbaland (8) iyo Koonfur Galbeed (3) qof ah, 168 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 108-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 22,969 waxaa bogsootay 11,714 Ruux. guud ahaan 1,324 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadashada talaalka cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here