Xukuumadda Soomaaliya oo diiwaan-gelisay kiisas la xiriira Karoona

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 105 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 9 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 64 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Puntland (60), gobalka Banaadir (38), Somaliland (5), iyo Galmudug (2) qof ah, 51 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 54-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 16,892 waxaa bogsootay 8,141 Ruux. guud ahaan 927 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadasha talaalka cudurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here