Wasiirka Xaafimaadka XFS oo shaaciyey khasaaraha weerarkii Hoteel Xayaat

0

MUQDISHO (SMN) –  Wasiirka caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji ayaa sheegtay in ugu yaraan 21 qof ku dhinteen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho

Wasiirka ayaa intaas ku daray in weerarkan ay ku dhaawacmeen 117 qof oo 15 ka mid ah dhaawacoodu culus yahay.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda caafimaadka ayaa sheegay inay suuragal tahay inay dhimashadu intaas ka badan tahay lagana yaabo in dadka qaar ay maydka ehelkooda aasteen ka hor inta aysan gaynin cisbitaallada.

Goor hore oo maanta ah ayaa taliska ciidamada booliisku shaaciyey in lasoo af-jaray hawlgalkii ka socday Hoteelka Xayaat, iyadoo lasoo badbaadiyey 106 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here