W/Gaashaandhigga oo shaacisay arrin la yaableh oo ka dhacday Ceel Hareeri

0

MUQDISHO (SMN) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, General Cabdullaahi Cali Caanood oo maanra shir jaraa’iid u qabtay wariyeyaasha ayaa markale ka warbixiyey dagaalkii cuslaa ee dhowaan ka dhacay deegaanka Ceel Hareeri ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

General Caanood ayaa sheegay in markii  ay ciidamada huwanta gudaha u galeen deegaankaasi ay la kulmeen arrin la yaableh, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka ayaa xusay inay heleen ciidamadu meydadka dhalinyaro toban toban isugu xiran, kadibna bam lagu qarxiyey, kuwaas oo ay tilmaamay inay la soo raafay.

“Al-Shabaab Dhalinyaro ay iyagu soo raafeen ayey toban toban katiinad ugu xireen kadibna bam ku qarxiyeen” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Gaadhaandhigga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here