W/Maaliyadda oo shaacisay inay ka jawaabi doonto warbixinta Hanti Dhowrka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay jawaab rasmi ah ka bixin doonto Warbixinta uu maanta soo saaray xafiiska Hanti Dhowraha Qaranka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu yirri “Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay la socotaa warbixinta Hanti-dhowrka Guud ee ku saabsan Xisaab-Xirka 2021-ka, ee uu sida tooska TV-yada uga sii daayay”

“Iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida Xafiiska Hanti-dhowrka, Wasaaraddu waxa ay si qotto dheer u lafa-guridoontaa warbixinta Hanti-dhowraha Guud, iyada oo sida uga dhaqsiyaha badan Wasaaraddu ay ka soo saari doonto jawaabta ku habboon”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here