Wasaaradda waxbarashada oo shaacisay xilliga la galayo Imtixaanka Shahaadiga

0

MUQDISHO (SMN) – Wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya ayaa war cusub kasoo saartay imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Sare, waxayna shaacisay xilliga rasmiga ah ee la qaadayo.

Kusimaha agaasimaha guud ee wasaaraddda ayaa sheegay in 18-ka bishaan la qaadi doono Imtixaanka, islamarkaana uu ka dhici doono magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

Wasaaradda Waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale uga mahad celisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud dadaalka uu Ku bixiyay qabsoomida Imtixaanka Fasalka 12,aad ee Dugsiga Sare.

Wasaaradda Waxbarashaddu Waxa ay sodoo kale u-mahadcelisay Boqolaalka Iskuul ee Gobolka Banaadir iyo Gobolada dalka ee qaatay Kaararka aqoonsiga Imtixaanka Fasalka 12,aad,(Roll Number) waxa ayna ku wargelinaysaa Iskuulada aan weli qaadan Kaarka aqoonsiga Imtixaanka in ay qaataan kama danbeys 04/06/2022.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here