Wasiirka amniga oo ka hadlay xaaladda guud ee magaalada Muqdisho

0

Wasiirka Amniga XFS oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada kusoo korortay Magaalada Muqdisho isagoo sheegay in wax laga xumaado tahay in shacabka Magaalada Muqdisho dhibaato loo horseedo.

Xundubey ayaa sheegay in ay cabsi ka qabaan meel walbo oo uu ka socdo abaabul aan sharci ahyn in ay kusoo dhuuntaan kooxaha Argagaxisada ah oo laga yaabo in ay ka faaideystaan fursadna ka dhigtaan isla markaan meelahaas gabaad ka dhigtaan.

Sidoo kale Wasiirka Amniga XFS ayaa sheegay in Dowlad ay awood leedahay Sugida amniga isla markaan uu ku filanyahay ciidanka ay heysato balse ay u turaayeen shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay diidanaayeen in ay ku kor dagaalamaan dadka Shacabka ah.

Ugu dambeyn wuxuu shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan amniga isla markaana aysan ogolaan nabadii ay dhibka badan lagu dhaliyey in ay si fudud ku lunto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here