Safiirka cusub ee Sweden u qaabilsan Soomaaliya oo soo dhaweyn loo sameeyey

0

MUQDISHO (SMM) – Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo kaga guddoomay Caasimadda Muqdisho Mudane Per Lindgärde, Safiirka Boqortooyada Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu kulanka socday, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa uu soo dhoweeyay Safiirka cusub ee Sweden , isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto howsha loo xilsaarray si uu hore ugu dhaqaajiyo xiriirka labo geesoodka ee labada dal si ay u yeeshaan iskaashi dhow oo dhinacyo kala duwan leh.

Dhankiisa, Danjiraha Boqortooyada Sweden ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay inuu dalkiisa ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyay xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isagoo ku nuuxnuuxsaday inuu ku dadaali doono sidii loo horumarin lahaa xiriirkaas si loo gaaro himilooyinka guud ee labada dal iyo labada dad ee saaxiibka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here