Wasiir Cabdiraxmaan Beyle oo la kulmay Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Kiin Foster, iyaga oo ka wadahadlay xoojinta wadashaqeynta labada Dowladood.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo ku saabsan dib u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo sidii loo sii xoojin lahaa wadashaqeynta dhaw ee ka dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo boqortooyada UK.

“Waxaan yeelanay wadahadallo miro dhal ah oo ku saabsan dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya, waxaa kaloon ka wada hadalnay caqabadaha haray iyo dariiqa loo marayo, ayuu yiri Wasiirka Beyle.”

Safiirka boqortooyada UK ee Soomaaliya Kiin Foster FCDO ayaa bogaadisay dedaalka dowladdu ay gelisay hanaanka hufnaanta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa uga mahadceliyay Kiin Foster iyo boqortooyadda UK taageerada dhinac walbo leh ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here