Wasiir Cabdullaahi Carab oo soo xiray shirka wadatashiga waxbarashada dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Waxbarashada Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab), ayaa soo xiray Shirka Wadatashiga Waxbarashada iyo Diyaarinta qorshaha Waxbarashadda ee Shanta sano ee soo socota.

Shirka ayaa wuxuu u dhexeeyey Agaasimaha guud ee WWHTS, Dowladda Federaalka iyo agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada.

Wasiirka Waxbarashada ayaa ku amaaney khubarada Soomaaliyeed ee kasoo  shaqeeyey diyaarinta qorshahan kaalintooda naf hurnimo, asiga oo uga mahad celiyay qof kasta doorka ow ku lahaay diyaarinta qorshah Waxbarashada dalka kuwaasi oo isagu jiray, Khubaro Soomaaliyeed, Shaqaalaha Wasaaradda, Ururuada Waxbarashadda, Bahwadaagta Caalamiga ah ee taageera waxbarashadda Soomaaliya iyo guud ahaan bulshadda Soomaaliyeed ee ku biiriyayay aragtiyada Saliimka ah.

Diyaarinta qorshahaan ayaa soo socday Janaayo 2021, ilaa feebaraayo 2022, ayaa la-tashiyo kala duwan lagala sameeyay Dowlada goboleedyada iyo guud ahaan bahd Waxbarashadda, ayada oo lasoo bandhigi doono dhamaadka bisha Maarso ee Sanadkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here