Wasiir Dubbe oo ka hadlay maalinta Saxaafadda Aduunka

0

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Osman Abokar Dubbe ayaa hambalyo u diray dhamaan saxafiyiinta caalamka , si gaar ahna waxa uu hambalyada ugu diray saxafiyiinta Soomaaliyeed meel walbo ay dunida ka joogaan.

Wasiirka ayaa bogaadiyey shaqada adag ee ay hayaan saxafiyiinta Soomaaliyeed isaga oo ku dhiiri geliyey in ay dadaalka halkaas kasii wadaan oo ay ka qayb qaataan dadaalada loogu jiro horumarka, nabada iyo dowlad dhisida.

Cusman Abokar Dubbe  ayaa sidoo kale tacsi u diray ehelada dhamaan suxufiyiintii Soomaaliyeed oo geeriyooday ayaga oo ku howlan gudashada waajiboodka shaqo waxaana uu eebe uga baryey in uu naxariistii jano siiyo.

Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada saaxafada xur yihiin asaga oo sheegay in uusan jirin hal saxafi oo maanta gudaha Soomaaliya ugu xiran aragtidiisa.

Ugu danbeyn wasiirka ayaa horumar iyo nabad u rajeeyey dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed isagoo ugu baaqay in ay xooga saaraan ka shaqeynta nabad , horumarka iyo dowladnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here