Wasiir Fawziya oo ka qeyb-gashay shirweyne caalami ah

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud, la taliyeyaal iyo Madax kale ayaa hanaanka fogaan aragga kaga qaybgalaya maalintii 3aad kalfadhiga 68aad ee (RC68 Regional Committee for the Eastern Mediterranean countries).

Qeyb kamida Kal-fadhiga waxaa shir guddomiyay lataliyaha Wasiirka Caafimaadka Prof. Maxamed Jaamac taasoo diirada lagu saaray Caafimaadka Aduunka iyo sida uu nabada iyo xasiloonda uga qeyb qaadan karo .

H.E. Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa Madasha ka jeedisay kalmada Soomaaliya ee Shirka taasoo aad u taabanaysay ka qeyb qaadashada Caafimaadka ee dhisidda nabadda, hormarinta bulshada iyo dhaqaalaha & sida Caafimaadka loogu adeegsan karo inuu noqdo “buundada nabadda iyo Xasiloonida.

Sidoo kale Wasiirada ayaa ka hadashay baahida Soomaaliya ay u qabto maalgelinta iyo dib udhiska nidaam caafimaad oo adkeysi u leh bixinta adeegyada Caafimaadka Assaasiga ah xiliyada xaaladaha deg-dega ah lagu jiro ee ay kacsanyihiin dhibaatooyinka iyo xasaradah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here