Wasiir Fawziya oo la kulantay wafdi ka socda hay’adda caafimaadka ee WHO

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa Isbitaalka De-Martini ku qaabishay Wafdi ka socday Hay’ada WHO. Wasiiradda iyo Wafdiga ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Isbitaalka, sida qeybta  latacaalidda Caabuqa Covid-19, Qeybta bixinta Tallaalka,  iyo dhismaha gaar ah ee loo dhisi doono warshada Oxygen ka ee Isbitaalka De-Martino,

Wasiiradda ayaa wafdiga ug  mahadcelisay booqashada waxeyna kala hadashay in  Isbitaalka laga taageero adeegyada Caafimaadka ee Muhiimka ah si loo laba jibaaro shaqada adag ee Isbitaalku u hayo  Bulshada danyarta ah ee Soomaaliyeed. Wasiirka iyo wafdiga ayaa  sidoo kale u kuur galay sida ay u socdaan hawlaha  dhismaha iyo Rakibidda Warshada Oxygen ee laga hirgalinaayo De-Martiini gudahiisa.

Wasiirka caafimaadka Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa ku boorisay shaqaalaha Caafmaaadka Isbitaalka De-Martini inay xilligan adag u dhabar adaygaan shaqada ay u hayaan bulshada ayna  u gutaan si hufan.

Ugu danbeynta Wasiirka Caafimaadka Dr. Fawziya Abikar Nur ayaa  Maamulka iyo shaqaalaha  Isbitaalka uga Mahadcelsiay dadaalka adag ee ay har iyo habeen ugu jiraan lataaclidda Bukaanada Covid 19  saacad kasta la keenayo Isbitaalka kuwaas oo hela adeega lacag la’aan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here